Ma Dhabaa in Mogadisho ku seextay Nabad lagu caano maalo.
Dhamaantiin Wsc.Waxaan rabaa innaan faalo yar ka baxsho qabashadii Magaalada Mogadisho ee eey gacanta u soo gashay dawlada iyada oo ka baxday gacantii kooxaha Argagixsada ah ee aduunka laga kala keenay.
anigu weli ma hubo in xamar noqon doonto meel aamin ah intii mudo ah. waxaase dabarjabay ku dhacay kooxdii xaga jir ka ahayda oo la kulantay hoogo iyo baas. Hase yeeshee xamar oo gacanta lagu dhigay. sadex qolo ayaa ku qasaaray oo eey ku noqotay adhaxjab iyo lama filaan.
1. waa kooxda alqaacida oo rabtey ineey somaliyada ka dhigto xarunta geesiska Afrika.
2. Elateriya oo rabtey ineey fron kaga furto Ethiopia oo eey ka hawlu galaan Olf, Altixaad, Alqaacida iyo wax la mid ah oo aaduunka laga nacay.
3. Dirta Wooyi Galbeed oo ku ducaysan jirtey in aan koonfur weligeed aaney ka dhicin nabad lagu caano maalo si eey u helaan oqaansiga eey ku riyoodaan. kooxaha ka dagaalamaayey Mogadisho ma lahayn hadaf siyaasadeed oo himila fog leh oo aan ka ahayn madaxa duubo oo dadka toogo iyo hantida aan dadka ka boobay ayaaney ka bixin gacantayda.
anigu waxaan leeyahay faanoole weli fari kama qodna , xamar weli waxaa dhex yaala qodax aad u badan oo u baahan in gacan bir ah lagu qabto. Raboow somaliya ka dhiga meel barwaqo ah oo aan u hiloobo habeen iyo maalin iyo soomalya oo isu dhan oo noqota dawlad aan ku faano.