Wasiirki Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Dr.Faarax Aadan Dhalac ayaa maanta gelinki hore mudo kooban lagu xiray Saldhiga dhexe Magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland.
Xariga Wasiirka ayaa yimi ka dib markii Ciidanka magaaladda Garoowe ay galeen guriga Wasiirka hore ka degen yahay magaalada Garowe.
Dad ku dhow Wasiirka ayaa Saxaafadda u sheegay in xariga Wasiirka yimi ka dib markii uu ka dhego adeegay in uu xil wareejin sameeyo maadama Wasiir cusub loo magacaabay Wasaaradda Qorsheynta iyo Xirirka Caalamiga ka dib marki uu dhowaan Madaxweynaha Dowladda Puntland uu Isku Shandeyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada.
Xubnaha ku dhaw dhaw Dr.Faarax Aadan Dhalac ayaa sheegay in u damacsanaa in maalinimadi Sabtida ah sameeyo Xil wareejin isla markaana qabto munaasabad uu xilka ku wareejinayo Wasiirka Cusub balse lagu khasbay in uu xil wareejinta maanta oo khamiis ah sameeyo taasina uu ka biyo diiday. Ma jirto wax hadal ah oo ay arrintan weli dowlada kasoo saartay marka laga reebo hadalada kasoo baxay dhanka xubnaha ku dhaw dhaw Wasiirkii hore Dhalac.
Odeyaal iyo Waxgarad ayaa markii dambe qaab damiin ah kusoo sii daayay Wasiirka oo la sheegay in iminka uu ku suganyahay gurigiisa.
Ma jirto cid ila iyo hadda faahfaahin ka bixisay ama ka hadashay xariga Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Dowladda Puntland Faarax Aadan Dhalac, oo dhawaan laga xayuubiyey xilkii uu ka hayey xukuumada Puntland.
Waxaa ayagu horey xilkii looga wareejiyey in badan oo kamid ah Xubnihii Xukuumada ee la bedalay, ayadoo aan la aqoon sababaha xiligan keentay xurgufta keentay in Mr.Dhalac saldhiga la geeyo, Wasiirkii hore ayaan asagu weli war rasmi ah soo saarin marka laga reebo xubno ay qaraabo yihiin oo saxaafadda la hadlay, sidoo kale Xukuumada ayaan weli arrintan ka hadlin, xili dhacdadan si weyn looga hadal hayo magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
Waxaa soo baxaya warar aan weli la xaqiijin oo sheegaya in Wasiirkii hore saaka looga yeeray Xarunta Wasaarada halkaasi oo ay ka dhaceysay Xafladii Xilwareejinta, balse uu ka dhego adeegay Mr.Dhalac, waxaa sidoo kale wararkan aan weli la xaqiijin ay sheegayaan in Wasiirkii hore Faarax Dhalac uu keeni waayey Gaarigii Wasaarada lahayd ee Wasiirka oo kamid ahaa hantida la rabay in lagu wareejiyo Wasiirka cusub ee Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah xigasho horseed