All Sanaag
Thursday, September 09, 2010
Faroole dagaalka Galgala Xisaab khalad ah ayuu isku dhuftay                                                                Colonel Shoot died in Bosaso                                                                Agaasimaha Jaamacada Maakhir oo socdaal ku maraya Maakhir                                                                Giving birth in UAE: from sand to state-of-the-art                                                                20 Wiil oo loo xiray qabiilkooda magaalada Boosaaso                                                                Ethiopia: waan ku noqon karnaa Soomaaliya                                                                Mareykanka oo 14 ruux eedeeyay                                                               
[3/3/2010]   Dacwadda General Maxamed Cali Samatar warbixin VOA.
>Salah Donyale Receives Hero’s Welcome in Bosaso, Puntland
>Line Up for Peace: Somali Peace Day
>The Buhodleh Massacre
>Mohamed Cali Samtar,A Ring of Clasic Scapegoating
>Response to what ICG said about Las-Anod
>A review of nomad Diaries through the eyes of a Somali immigrant
By Xalima
>San Diego's Little Mogadishi
By Yasmeen Maxamuud
>
>Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee
>
>

Maxkamadda ugu sarreysa dalkan Mareykanka ayaa maanta dhageysaneysa dacwad ka dhan ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somalia, Gen. Max’ed Cali Samatar, oo ay soo dacweeyeen shan qof oo Somalia ah, oo sheeganaya inuu Gen. Samatar masuul ka ahaa jirdil iyo xadgudubyo kale oo loo geystay sanadihii siddeetameeyadii.


Shakhsiyaadka dacwadda oogaya, oo qaarkood ay u warrameen VOA-da, ayaa sheegay inay doonayaan in Gen. Samatar, oo hadda 74-jir ah, lagula xisaabtamo kaalintii uu ku lahaa dhibaatadii ay ciidankii dowladdii Max’ed Siyad Barre ka geysteen waqooyiga Somalia, sanadkii 1988-dii, maadaama uu yahay sarkaalka ugu sarreeya ee nool, ee hadda lala xisaabtami karo.


Laakiin qareennada difaacaya Gen. Samatar, ayaa ku doodaya in generalka aan dacwad lagu soo oogi karin, maadaama uu yahay masuul sare oo ka tirsanaa dowlad madax-bannaan oo uu Mareykanku aqoosanaa, isla markaana uu jiro sharci mamnuucaya in masuuliyiinta dalalka ajnabiga ah la dacweeyo.


Faadumo Isaaq Biixi oo ahayd danjire Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay, gaar ahaan xarumaheeda Geneva iyo Vienna ayaa wareysi ay siisay VOA-da iyadoo ka wakiil ah Maxed Cali Samatar ku sheegtay in aanu wax danbi ah galin. Faadumo waxay sheegtay dhibaatadii ka dhacday gobollada Waqooyi ee Somalia xilligii dowladii Siyaad Barre ay ahayd mid ka dhalatay markii koox hubeysan oo ay taageerayeen dal cadow ah ay magaalooyinkii soo weerareen si ay u kala gooyaan dalka, taasina ay dhalisay in dowladdii waqtigaasi jirtay ay tallaabo adag qaado. Faadumo waxay xustay inaysan xaq ahayn in Samatar ay dacwad ku soo oogaan dhowr qof oo shaqsiyaad ah.


Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa la filayaa inay go’aan kama dambeys ah kasoo saarto in la dacweyn karo Gen. Samatar iyo in kale lix bilood kaddib.


Qeybta hoose ee qoraalka ka dhagayso warbixin iyo wareysiyo aan la yeelanay C/casiis Maxamed Diiriye oo ka mid ah dacwad oogayaasha iyo Faadumo Isaaq Biixi.


Halka ka dhegeyso warbixintii oo cod ah Maqal

All Sanaag
 
 
© 2006 Webmaster Allsanaag Online powered by Horyaal Software