Xaflad ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee ka kooban tahay Bulshada soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Ohio, gaar ahaanMgaalada Columbus ayaa waxa lagu qabtay Embassy Hotel,taas oo ahayd taageerid la taageerayo Wasiirkii Hore ee Difaaca geesiga Soomaaliyeed Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar,oo Koox yar oo qawleesato ahi rabto inay lacag ka sameeyaan..
Dadkii halkaa ka hadlay ayaa ahaa kuwo aqoon u leh Cali samatar iyo kuwo ka dhiidhiyey xaq darada lagu hayo Cali Samatar.
Dadkii halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Ambaasadooro kala ahaa Faadumo Isaak Biixi iyo Cabdikariim Cali Cismaan,sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Duqii hore ee Mgaalada Muqdisho Cabdulaahi salaad iyo Gudomiyaha Jaaliyada.
Maxakamad oo ay soo dhowaatay xiligeedii ayaa difacida Cali Samatar waxa ku midoobay Soomali inteeda badan oo aan ka hayn aan ka ahayn qawlaysatan la timid dhaqankan guracan oo ayna Soomaali horay u aqoon.