Shirkadii Reer Switzerland oo samaysay sawirkii Cunsuriga ahaa ee gabadha muslimka ah ee xijaaban oo ag fadhida Calanka Swiis oo ka dul taagan yihiin 7 gantaal oo loo ekaysiiyey Minaarada Masaajidka ayaa maxkamad geesay Xisbiga xaq jirka ah ee Reer faransiis oo ay sheegeen inay sameeyeen sawir Gabar Muslim ah oo xijaaban oo ag fadhida Khariirada faransiiska oo ay ka dul taagan yihiin gantaalo u eg Minaarada Masaajidka ayna ku xardhan tahay midab u eg calanka Aljeeriya.