All Sanaag
Tuesday, September 07, 2010
Yemenis chewing their way to early death                                                                Cabdi jamaal' Waa in Af -urur la weeraraa                                                                UNHCR''230 AYAA KU DHINTAY LABA TODOBAAD MUQDISHO                                                                Xiisado Dagaal oo ka Aloosan Galgala                                                                Faroole oo booqday PISta Cisbitaalada Itoobiya ku jirta                                                                Ethiopia: waan ku noqon karnaa Soomaaliya                                                                Mareykanka oo 14 ruux eedeeyay                                                               
[2/6/2010]   Boosooso waxay ahayd "Gaariwaa"
>Salah Donyale Receives Hero’s Welcome in Bosaso, Puntland
>Line Up for Peace: Somali Peace Day
>The Buhodleh Massacre
>Mohamed Cali Samtar,A Ring of Clasic Scapegoating
>Response to what ICG said about Las-Anod
>A review of nomad Diaries through the eyes of a Somali immigrant
By Xalima
>San Diego's Little Mogadishi
By Yasmeen Maxamuud
>
>Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee
>
>

Magaalada Boosaso ayaa loo yaqaany "gaariwaa" Xiliyadii  Dawladihii hore  ee Soomaaliya oo ay kala hogaamin jireen Allah ha u naxaristee CabdiRashiid Cali Sharmarke iyo CabdiRizaaq,sababata magaca loogu bixiyey waxay ahayd iyada oo Muqdisho ka fogayd,wado lahayn,Dekadi ka shaqayn,hase ahaatee waxa bedelay Allah ha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare oo ka dhigay Magaalada ugu ganacsiga badan Soomaaliya iyo kuwa geeska Afrikaba.


Degaandan oo ay ka soo jeedeen Madaxdii hore ee Soomaaliya, ayaa ahaa kuwo g'odoon ah,gawaari tegin ,haba yaratee aan lahayn wax horumar,hase ahaatee Madaxdii markaa joogtay ay ahaayeen kuwo ka shaqeeya  dano gaar ahaaneed sida kuwa  maanta Puntland jooga.


Soomaalida ayaa indhaha waxay ku kal qaadeen  Lixdameeyadii,  Afar Nin oo ilmo Adeer ah oo isaga soo horjeeda labo labo, kuwaas oo kala ahaa CabdiRashiid Cali Sharmaarke iyo Wasiirkii Arimaha gudaha Yaasiin Nuur Xasan  iyo dhinac kale oo ahaa CabdiRizaq Xaaji iyo Maxamed Abshir oo ka soo horjeeda  waana arinta  Siyaasiyiinta qaarkood  leeyihiin  waa tan keentay Dilkii Cabdirashiid iyo in uu  Wadanka gacanta ku dhigo Maxamed Siyaad oo hogaaminaya   Kacaankii 21 Oktoober.


Madaxda Afartan Nin oo ilmo adeerta ah waxa ka  horeeyey ,Sanado ka hor markii labada Soomaali ay  isku darsadeen, ayaa waxa loo waday in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamanka Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Qablan,hase ahaatee waxa u yimid Allah ha u naxariistee Dhamaantood CabdiRashiid Cali Sharmaarke iyo Muuse Boqor iyaga oo u isticmaalaya Magaca Harti ayna  u sheegeen Qablan   in uu ka tanaasulo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay iyagu wataan Digil iyo Mirifle ,sidaas awgeedna ay rajo fiican  ka qabaan inay noqdaan Raisawasaare ama Madaxweyne, wuuna ka yeelay arintaas  Allah ha u naxariistee Qablan, inkastoo Cigaal iyo qar ka mid ah Siyaasiyiinta Koonfureed ay rabeen in Qablan qabto Madaxda  u sareya Dawlada.


Beeshii 30 sano ka hor ay ku fashilantay Dawladii Soomaaliya  isqab qabsigsigii  ka yimid  dhexdooda , ayaa waxay isugu yimaadeen shir 1997, Magaalada Qardho, ka dib bur burkii Soomaaliya ,waxaana dhacday mid la mid ah tii Lixdankii oo waxa Bilowday is qab qabsigii kaas oo ka dhexeeyey Chairmaankii iyo Taliyihii Ciidamada SSDF waa Cabdulaahi Yuusuf iyo CabdiRizaaq Xaaji,wuxuuna horseeday fashilaad iyo in lagu kala dareero Shirkii , wuxuuna sababay Khilaafkani inay Xamar tagaan oo ay kala raacaan Caydiid iyo Cali Mahd oo Sanado ka hor soo qaxiyey Beelaha Daarood.


Khilaafkani wuxuu saameeyey Daarood gebi ahaan ,waxaana kuu cadeenaysa saamayntan,ka dib markii Hawiye ku helay awood siyado ah  Shirkii Qaahira oo Masaaridu sheegtay,  in  Raisa Wasaaraha iyo Madaxweynahaba laga dhigaayo Qabiilka   Hawiye waa  Ina Caydiid iyo Cali Mahadi,waana tan keentay in Daarood Shirkaa fashiliyaan kuwaas oo ahaa Adan Gabyow Allah ha u naxariistee Cawad Casharo iyo  Cumar Xaaji, hadalkii oo Caamir Muuse oo ahaa wasiirka Arimaha Dibada Masar Xiligaa,  hadana  ah Xooghayaha guud ee Jaamacada carabta ka sheegay BBCda wuxuu ahaa Cabdulaahi yuusuf waxaan ku bedelaynaa Maxamed Abshir ,Aadn Gabyoowna Jees Ninka la yiraahdo Cawad  Casharo  " Beentiisii uga buuxday Bangiyada waa dhamaanaysaa" sidaa waxa yiri Amar Muuse.


Arintan foosha xun oo Hawiye oo Sanado ka hor Dadka soo qaxiyey,loogu abaal marinayo  Madaxweyne iyo Raisa Wasaare, ayaa waxa ka xumaaday Dhamaan Bulshada Daarood gaar ahaan Harti oo Hormuud u ahaayeen Xisbiga USP ,aqoonyahankooda,Garaadadooda iyo Suldaanadooda waxaana la g'aansaday in aanay soo dhoweyn Dawlad Soomaaliyeed Xiliyadan,  sidaas awgeed ay sii samaystaan Meel ay ku sugaan Dawladanimo,Dadka mahada gaarka ah leh waxa ka mid ah Maxamed Cabdi Xashi,waxaana la bilaabay shirkii Dastuurka oo lagu qabtay garoowe Feb 1997 


Ugu danbayntii Siyaasiyiintii noocaa ahaa oo Degaanada ay u dhasheen loogu magac daray Dhulkii g'odoonka,hase ahaatee horu marka maanta ka jiraa uu u sameeyey Madaxweyne ka yimid Gedo,oo Beeshiisii Sade Daarood maanta Puntland ay ka doorteen Gal Mudug, ayaa waxay bilaabeen Olole ka dhan ah Beel ka mid ah Beelaha Puntland awoodna u leh inay damiso iftiinka ka jira Puntland, hase ahaatee waxaan la g'aranayn in ay cashar u qaadanayaan Taariikhda inta Soomaali Dawlad lahayd


Allsanaag maaha mid runta ka gabata


Khaalid uurcad khaalid1970@hotmail.com

All Sanaag
 
 
© 2006 Webmaster Allsanaag Online powered by Horyaal Software