Shirar isdaba joog ahaa oo ay beesha cismaan Maxamuud kulahayd Magaalda Qardho oo ay kasoo Qayb galeen Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada Gaar ahaan Isimada, Nabadoonada, Saraakiisha, qoonyahanada, haweenka, qurbajoogta.iyo dhalin yarada.
Sidaa darteed Waxay Beeshu dhistay Gudi sare oo Ka shaqayndoona Arimaha Amniga horomarinta deegaanka wada noolaashaha bulsho beeleedyada kale ee dega deegaanada Puntland Sidoo kale gudigani waxey u xilsaaran yihiin taabo galinta mashruuca shidaalka Dharoor iyo xiriirinta dhamaan mashruuca hawlaha deegaankaasi. Iyagoo kala shaqeyn doona dawlada iyo shirkadaha shidaalka sidii ay habsami ugu fulin laheyd shaqada iyo wax soo saarka shidaalka
Gudigana ayaa waxey ka kooban yihiin, xubanaha hoos ku magacaaban.
1.Gen Maxamuud Muuse Xirsi.2.Burhaan Boqor Muuse Kusimaha Boqorka.3.Islaan Maxamed Islaan Yaasiin.4.Dr Siciid Xasan Ibraahim.(Siciid Warmajaanle)5.Gen Khaliif Ciise Mudan.6.ING Abshir Muuse Siciid.7.Dr Siciid C/laahi.8.Daahir Ayaanle Siciid.9.Ganacsade Faarax Mire.
Xigasho all SBC