Jabuuti ayaa waxay ka mid noqotay Wadamada aadka uga faaiiday burburka Soomaaliya,iyada oo ku qaraabata isku Dad,Diin iyo Luqad baynu nahay, ayaa hada heshay koox ay iyadu samaysatay oo u fuliya wixii Jabuuti dani ugu jirto.Kooxdan wasiirada ahi waa kuwii ugu danbeeyey oo loo soo furay siminaar. Wasiirka Dastuurka Madoobe Nuunoow,Wasiirka Lacagta ING Yariisoow,Wasiirka hantida Qaranka Maxamed Mursal,Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xayir Maareeye,Wasiirka Haweenka Marwo Fawsiyo,Wasiirka Dib u heshiisiinta CabdiRashiid Deeroow, Wasiirka
Dawlada Jabuuti ayaa waxay dagaal qabow kula jirtaa Dadka ka soo jeeda Degaanka Puntland iyada oo u aragta inay yihiin kuwo fashilinaya labo wajinimada ay kula jirtay Soomaaliya, iyada oo dhinac ka sheegta inay wanaag la rabto Soomaali, hase ahaatee isbaaro u dhigatay dhaqaalihii soo geli lahaa Dhulka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland.
Jabuuti Shirarka ay qabato ayaa ah kuwo ka caagan in aqoon yahanada ka soo jeeda Gobolada Puntland ay qabtaan Xilka ugu sareeya oo ah Madaxweynanimada.
Mashaariicda ugu waaweyn oo ay ka faaiiday Jabuuti waxa ka mid ah la dagaalanka budhcad badeeda iyo la dagaalanka argagixisada Caalamiga ah oo ay aad u buun buunisay si halka saldhigyo looga samaysto lagula dagaalamo waxa loogu yeero Budhcad badeed iyo Argagixiso.
Jabuuti Falkii u danbeeyey oo ay samaysay oo ay Dadka qaarkiis leeyihiin wuxuu ahaa mid Qabyaaladaysan iyada oo dhegta wax ugu sheegtay Wasiirka kaluumaysiga IBBi oo ka soo jeeda Dirta Koonfureed,ayaa mashruuc la rabay in laga dhiso Puntland oo ka mid ah Soomaaliya lagana shaqaalaysiin lahaa Soomaali uu u saxiixay in jabuuti laga dhiso Mashruucaa isaga oo u diidanaa dadka iyo Degaanka Puntland .
Ugu danbayntii Jabuuti ma joojinayso dibin daabyada ay ku wado Soomaaliya,waxaana hada u sii fududeeyey Shiikh Shariif oo ah Made in Jabuuti oo ay ka saxiixanayso waxay rabto oo ay "dani ugu jirto Jabuuti" taas oo ay Saaxiib ku yihiin Mucaaradnimada Puntland,waxaana Shiikh Shariif ku wehesha arintan Mucaradnimada Horumarka Puntland Dhowr wasiir oo ka mid ah dawlada uu Madaxweynaha ka ayahay.
Allsanaag.com meeshii mugdigu ku jiro anaga ayaa iftiimina