Abaanduulihii hore ee Jabhadii USC Maxamed Galaal ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Guri ceel ee Gobolka Galguduud isaga oo ka soo kicitimay, Dalka Kenya,waxaana ku soo dhoweyey Magaalada Guri ceel Asxaabtiisii hore oo ay ku wada jiri jireen Jabhadaas oo hada la baxay Magaca Ahlu sunna Wal Jamaaca.
Galaal oo safarkiisa ay ku weheliaan qaar ka mid ah Ahlu suna waljamaaca ayaa sheegay sababta uu u tegayo Gobolada dhexe ee Soomaaliya in ay tahay siduu gacan uga siin lahaa Jabhada Ahlu Suna dagaalka ay ku jirto
Galaal oo labaatankii sano oo u danbaysay ku jiray dagaalo ama ku lug lahaa dhibka Soomaaliya , ayaan la garan karayn sida uu uga caawini karo ciidan ahaan Ahlu Suna dagaalka ay kula jirto Alshabaab ama kan ay la geli doonto Puntland