Bosaaso; Beesha Gaashaanbuur oo ay shirar uga socdeen Bosaao, Buraan iyo Bali busleba ayaa waxa ay soo saareen baaq ku wajahan Maxkmad ku taal Magalada Boosaaso oo dhawan ku xukuntay dil Laba Wiil oo aan wax denbi ah galabsan.
Denbigan foosha xun oo lagu dilay Xildhibanka ka tirsanaa dawlada Puntland ayaa waxa lagu soo eedeeyey labadan Wiil oo xiligii dilku dhacaayey joogay meel ka fog,halaka uu ka dhacay danbigu.