Kulan balaadhan oo ay soo Agaasimeen Dhalinta Reer Maakhir ee Kenya Gaar ahaan Nairobi ayaa waxay Kula Kulmeen Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya ,sidoo kalena Gudoomiso u ah Ururka Haweenka Somaliyeed ee Siyaasada ku Jira
Muhiimada Kulankaasi ayaa ahaa mid ay Barbaarta Maakhir ee dalka Kenya iyo Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla ay kaga Tashanayeen Ayaaha danbe ee Gobolada Hayland,Sanaag iyo Galbeedka Bari.
Ugu Horayn Murwo Caasha Axmed Cabdalla ayaa Hadalka Furtay waxana ay sheegtay inay Ku Faraxsantahay Is araga Dhalinta Maakhir ee Kenya ku Sugan, Caasha ayaa Xustay inay tahay wax lagu Farxo Midnimada Dhalinta Reer Maakhir.
Xildhibaanada Caasha Cabdalla ayaa Wax badan ka sheekaystay Deegaanka Maakhir iyo sida uu Gaabis uga yahay Arimaha Hormarka sida Caafimaadka,Waxbarashada iyo Biya oo ay Farta Ku Muday inay arintaasi Dhexda u xidhaan dhalinta Reer Maakhir.
Caasha Cabdalla oo dhawaan Loo Doortay Hormuud Urur waynaha Haweenka Siyaasiyiinta ah ee Somaliyeed ayaa wax badan ka sheekaysay Xaalada Guud ee Maakhir.
“Aniga waxaan Amisanahay hadii la helo Isku duubni iyo Wada shaqayn ay Buuxda ee ka dhex Aloosan Bulshada Gobolka Siyaasiyiinta la Gaadhi karo Ujeedka ah in Gobolada laga dhigo kuwa Hodan ah oo Shaqooyin Loo soo Doonto”Ayay tiri Xildhibaanad Caasha Cabdalla.
Sidoo kake waxa Kulankaasi ka hadlay Mahdi Naftii Hure iska markaana ka mid ahaa dadkii Suura Galiyay inuu Kulankaasi qabsoomo.
Eng Mahdi waxa uu ku dheeraaday inay Muqadas tahay in laysku xidhnaado isla markaana Wada shaqayn Joogta ah lala Yeesho Siyaasiyiinta qaybaha Bulshada iyo waliba Ganacsada Lana Sameeyo Cilaaq Qota dheer oo dhex mara Beesha Warsangali Abgaal iyo Beesha Warsangali isla markaana Hawshaasi ay hada Gacanta ku hayaan sidii Looga midha dhalin lahaa.
Mahadi waxa kaloo uu xusay inay Soo dhawayn Fiican kala Kulmeen Masuuliyiin badan oo Beesha Abgaal ka tirsan,dhawaan ay Kulan Balaadhan Yeelandoonaan Masuuliyiinta Beesha Abgaal iyo Xubno ka Socda Beesha Warsangali taasi oo Looga Gol leeyahay sidii Cilaaq iyo is Xigaal dhab ah oo Laba Beelood ka dhexeeya Looga Midha dhaliyo.
Gudoomiyaha ayaa wax badan ka hadlay Ujeedkee Ururkaasi loo dhisay iyo Guul ah ay gaadheen tan Markii dhibada Loo taagay, Dr Saleebaan wax uu sheegay inay dad badan Deegaanka ka Tirsan ay u sadcaaliyeen dalkii, sidoo kalena ay xidhiidh la sameeyeen dhalinta Reer Maakhir ee Somaliya, Juuga iyo Kuwa qurbaha.
Maxamed Faarax Cismaan Awaare ayaa isna Shirkaasi hadal Kooban ka soo Jeediyay isaga oo Xildhibaanada ku dhiir Galiyay inay Dhexda u xidhato sidii Gobolada ay uga Shaqayn lahaayeen Hay”addaha UN-ka oo aan inta baadan Gaadhin taasina ay Sabab u tahay Buu yiri Caqabada Laba Maamul ee Hareeraha ka xiga Gobolada.
Caasha Maxmuuud oo ka mid ah Balaha Fir Fircoon ee Reer Maakhir ayaa dhankeeda iyana sheegtay inay Soo dhawaynayso Kulanka ay Yeesheen Xildhibaanada Caasha Cabdalla iyo Xubaha Ururka Maakhir waxana ay ka dhawaajiyay in la sii Xoojiyo Kulamada Noocaasi oo Kale ah.
Isku soo xooriyoo Caasha Cadballa oo Xubni ka ah Baarlamaanka Somaliya ayaa ah Qof tix galin wayn ku leh Bulshada Reer Maakhir waxana lagu Xasuustaa Loolankii ay la Gashay Sanadkii 2004-Madaxwayne C/laahi Yuusuf in kastoo uu Markii danbe Yuusuf ku soo