All Sanaag
Wednesday, September 08, 2010
Yemenis chewing their way to early death                                                                Cabdi jamaal' Waa in Af -urur la weeraraa                                                                UNHCR''230 AYAA KU DHINTAY LABA TODOBAAD MUQDISHO                                                                Xiisado Dagaal oo ka Aloosan Galgala                                                                Faroole oo booqday PISta Cisbitaalada Itoobiya ku jirta                                                                Ethiopia: waan ku noqon karnaa Soomaaliya                                                                Mareykanka oo 14 ruux eedeeyay                                                               
[2/2/2010]   Dabaq iyo dalow yaa u baahan Casilaad
>Salah Donyale Receives Hero’s Welcome in Bosaso, Puntland
>Line Up for Peace: Somali Peace Day
>The Buhodleh Massacre
>Mohamed Cali Samtar,A Ring of Clasic Scapegoating
>Response to what ICG said about Las-Anod
>A review of nomad Diaries through the eyes of a Somali immigrant
By Xalima
>San Diego's Little Mogadishi
By Yasmeen Maxamuud
>
>Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee
>
>

Boosaaso:Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka bari Cismaan Xasan Af Dalow ayaa ku guul daraystay amaankii Gobolka barihalka taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Sanaag, uu soo hooyey guulo la taaban karo intuu xilka hayey,hase ahatee Maamulka Puntland ay qanci wayday taas oo ay rabaan inay shaqada ka qadaan Gobolka Sanaag oo ah gobolka labaad ee ay ku xisaabtanto Puntland marka laga reebo gobolka dhaqaale ee Bari ayaa waxa ka jira maamulka punt land qaybahiisa kala gedisan waxaana uu leeyahay ciidamo Daraawiish ah iyo kuwa police ah,


Iyadoo kuwa sida aadka uga shaqeeya iminka ay yihiin ciidanka loo yaqaan policeka oo uu taliye u yahay sarkaal sare Cabdi Xakiim Mohamed Liibaan (Dabaq) uuna isagu ahaa taliyaha qaybta policeka Sanaag ee puntland ilaa iyo maamulkii cadde muuse hadana uu yahay , iyadoo ay soo mareen Gobolka saraakiil badan oo qabatay xilkaan taliyenimo ee qaybta policeka oo aanuu mid ka midina ka helin xaqii uu ku lahaa maamulka puntland iyadoo aanuu maamulku eedaas lahayn ee ay tahay ninkii aamusa hooyadiisba qadisay tan ka jirta Puntland ayaa waxaa uu taliye dabaq ka dhex muuqday saraakiishaas mudadii uu hayey xilkaana waxa uu qabtay wax qabadyo aan halka lagu soo koobi karin ,


Hadaba iyadoo ay caado u tahay odayaasha Beesha Sanaag inay kula doodaan maamulka hebel noogu bedel boosakaygii oo hebel noo keen ayaa waxay isku dayeen odayaal siyaasad gaar ah wata ianay indha tiraan horumarka iyo amni ka taliska Gobolka Sanaag waxaana ay si gaar ah ula shireen taliyaha ciidanka policeka ku puntland col.Afey iyagoo wada nin aan u dhalan Gobolka Sanaag ee u dhashay Kismaayo una doonaya inay ku bedelaan taliayah qaybta policeka Sanaag sarkaal sare Cabdi Xakiim Mahamed Liibaan (Dabaq) ,


Taasina waa mid aad uga yaabisay dhamaan bulshada Reer Sanaag iyo wax garadkoodaba iyo baarlamanka ugu jira sanaag dawlada puntladn waxaana ay ku tilmaameen inay tahay indha ka tuurid iftiinka gobolka sanaag . sidii aynu soo sheegnay waxa ka horeeyey taliye Cabdi Xakiim (Dabaq) ilaa 7 taliye oo qaarkood ay qabteen labo jeer xilkaan mid ka mid ahna kama uusan helin xaqii uu lahaa ee uu ku laha maamulka pland oo ay ka mid yihiin courseyada debeda ee loo diro saraakiisha ,gaadiidka ciidanka ,mushaharada cidanka ,tababarda dalka dhexdiisa, waxaa kaloo aanay waxba ka qaban dilalkii ka dhici jiray gobolka lama soo qaban jirin murderada iyo kuwa dhulka xaalufiya Budhcad beriyeedka ,


Somaliland oo iska soo geli jirtay iyadana ma celin kari jirin sidoo kale amar la,aantood waxa geli jiray gobolka ciidanka pland waxayna mararka qaarkood iskaga hor imaan jireen ciidamo kale sida somaliland ,waxayna kala ahaayeen taliyayashaasi,


1.Cawil Baal Cadde


2.C/laahi Maxamuud Ibraahim (indho muraayad)


3.maxamud cismaan (fooldhuub) oo laba jeer qabtay


4.Muuse Aw Cilmi


Dhamaan ragaas iyo kuwa kaleba waxa ay soo ahaan jireen taliyayal qaybeed ciidanka policeka sanaag midkoodna waxba kama qaban gobolka mana helin xaqii uu ku lahaa maamulka puntland hadaba taliye cabdi xakiim mohamed liibaan (dabaq) oo kala wareeggay xilka taliyihii hore ee C/laahi Mahmuud Ibraahim (Indho Muraayad) waxa uu ka qabtay gobolka waxyaabo badan oo horumar ah iyo iftiin waxaana ka mid ahaa


1.wuxuu soo qabtay dilaa axmed dhuxul oo dilay daahir qafqafle kuna dilay degmada hadaaftimo waxaana lagu xukumay degmada badhan waxana lagu xidhay jeelka weyn ee bosaaso


2.Wuxuu soo qabtay dilaa cabdi qarqaan oo ku dilay ceel buuh cabdi ahmed cali salaad waxana lagu xukumay badhan waxana uu ku xidhan yahay xabsiga weyn


3.Waxa uu soo qabtay laba is dhalay ee aaga degmada badhan ku dilay nin waxaana lagu xukumay badhan waxayna ku xidhanyihiin xabsiga badhameed


4.Waxa uu soo qabtay 7 budhcad beri ah oo galay buraan yo baliga dhexdooda waxana lagu xidhgay xabsiga weyn ee boosaaso ka dib markii lagu xukumay badhan intaasi waa qayb ka mida dhibaatooyinkii uu soo af jaray taliye dabaq iyadoo aanay horey uga dhici jirin in gobolka laga soo qabto nin wax ku dilay ama ku dhacay ama jid gooyo sameeyey taasina waa horumar ay tirsadeen dhamaan shacabka reer sanaag , waxa kale oo jiray koorsooyin aan horay loogu diri jirin saraakiisha reer sanaag in uu u diray saraakiil ka tirsan ciidanka policeka sanaag uganda iyo Ethoipia iyo kuliyada Carmo waxa uu diray taliye Dabaq una diray Uganda :


1. Sarkaal Siciid Cali Cumar oo ka socda Degmada Laasqoray iyo


2.sarkaal Faysal Siciid Gurhan oo ka socda degmada dhahar waxa . ethopia: waxa uu u diray ethopia 4 sarkaal xigeen oo kala ah


1.Siciid Jaamac Tima cade (Sarkaal xigeen)


2.C/casiis Mmahmed Cali (Sarkaal xigeen)


 3.ahmed mohamed saalah (sarkaal xigeen)


4.Siciid Ducaale (sarkaal xigeen)


waxa uu taliyuhu ka shaqeeyey hir gelinta cashuuraha gobolka sanaag markii la bilaabay ee laga bilaabay dhahar cawsane iyo kala dhacda ,waxa u taliyuhu wax ka qabtay dhuxul joojin bali busle ceelbuuh iyo carmale iyo inta dhexeysa ,


Waxaa xusid mudan inuu taliyuhu ka mamnuucay ciidamada Puntland inay iska galaan gobolka isagoo aan ogayn waxana uu iska hortaagay maamul isku sheega somaliland inay galaan ama qabsadaan goobo badan oo ka mida gobolka waxaana uu ka dejiyey calankii soomaaliland mar ay ka taageen qolyo taagersan maamulkaasi waxa uu taliyuhu soo qabtay budhcad badeed ka qaraban jirtay xeebaha sanaag waxana uu keenay saxiimadohoodi iyo hubkoodi iyagiina waa la xukumay hawlaglkii u dameeyey waxaa u ku soo qabtay murder dilay afar nin oo ku dilay boosaaso waxaana uu ka soo qabtay laasqoray iyo ceelaayo dhexdooda waana uu keenay . hadaba waa taliayaha qudha ee bulshada reer sanaag ay aadka ugu riyaaqeen korna u qaaday magaca gobolka iyo ciidanka policeka sanaag oo ahaa kuwa aan la sheegin dadkuna u qabeen in aanay jirinba iyadoo marar badan ay dhici jirtay in laga waayi jiray gobolka wax qabta qof qalalaasa wada mudadii uu hayey taliye dabaq xilkaana ayaa waxa uu ahaa gobolku mid u furmay caalamka waxana si xoriyad ah u tegi jiray wafdiyada ka socda dawlada iyo hay,adaha dawliga ah iyo kuwa madaxa banaanba ,


hadaba odayaal dana gaar ah leh oo diidan sida ay u muuqato horumarka Gobolka ayaa waxa ay doonayaan inay indhaha ka tuuraan gobolka waxana ay wadaan wiil aan u dhalan gobolka sanaag waxayn la doonayaan inay ku bedelaan taliyaha ciidanka qaybta policeka arintaasina ma aha mid ay liqi karayaan bulshada reer sanaag ,dhamaan xildhibaanada ka soo jeeda gobolka ayaa aad u canbaareeyey arintaas ay wadaan odayaasha tirada yar ee doonaya inay hawlohooda gaar ahaaneed fushadaan .


dhamaan bulshada nabada jecel ee Reer Sanaag waxa ay aad uga xumaadeen arintaasi iyadoo la arko inaanay ahayn wax soconaya hadana ku dhaqaaqideeda waxay ku tilmaameen inay tahay wax dhib ku keeni karta soo ifinta horumarka iyo awood qaybsiga gobolada . taliye dabaq ayaa ah taliyihii ugu horeeyey ee reer sanaag ee si sharci ah ula xisaabtama maamulka kana qaata waxa uu xaq u leeyahay sida koorsooyinka iyo gadiidka mushaharada ciidanka waana uu ka qaatay wixii uu xaq ugu lahaa maamulka iyadoo ay horay ugu baaqan jireen dhamaan xuquuqdaasi maamulka , waxaana uu fuliyey waajibaadkii shaqo ee saarnaa waana uu wadaa taliye cabdi hakiim ayaa ah mid ay aad ugu kalsoontahay bulshada sanaag wax badana u qabtay bulshadiisa ,


Sharmaarke Abdirashiid Ahmed {jaanle}


jkjankarshe@gmail.com

 
                      
All Sanaag
 
 
© 2006 Webmaster Allsanaag Online powered by Horyaal Software