All Sanaag
Thursday, September 09, 2010
Faroole dagaalka Galgala Xisaab khalad ah ayuu isku dhuftay                                                                Colonel Shoot died in Bosaso                                                                Agaasimaha Jaamacada Maakhir oo socdaal ku maraya Maakhir                                                                Giving birth in UAE: from sand to state-of-the-art                                                                20 Wiil oo loo xiray qabiilkooda magaalada Boosaaso                                                                Ethiopia: waan ku noqon karnaa Soomaaliya                                                                Mareykanka oo 14 ruux eedeeyay                                                               
[3/21/2007]   Maxamd bashiir jaamac Jawaabtii [Gadamanso]
>Salah Donyale Receives Hero’s Welcome in Bosaso, Puntland
>Line Up for Peace: Somali Peace Day
>The Buhodleh Massacre
>Mohamed Cali Samtar,A Ring of Clasic Scapegoating
>Response to what ICG said about Las-Anod
>A review of nomad Diaries through the eyes of a Somali immigrant
By Xalima
>San Diego's Little Mogadishi
By Yasmeen Maxamuud
>
>Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee
>
>

Gabaygani waxaan tiriyey markii aan akhriyey gabaygii abwaanka Maxamad axmad dirir,oo runtii ahaa gabay aad moodo inuu abwaanku ku cabanayo in Buraan laga sheegtay uuna isla markaa isagu markii dambe sheeganayo Buraan,kuna hanjabay inuu ku dhimanayo ama xaqiisa helaayo.


Innta aana bilaabin gabayga waxaan idiin sheegayaa saaxiibayaal in Buraan tahay magaalo loo simanyahay oo beelaha oo dhammi u simanyihiin ,nin walibana uu gaar u leeyahay hantidiisa gaarka ah ee uu tabcaday ,balse dhulka daaqa iyo ceelkuba waa hantidaeenna aynu wadaagno.


ninka ka sheegatay maxamad axmad dirirna anigoon aqoon magaciisa waxaan leeyahay wuu ku qaldanaa inuu ka sheegto waayo kama xigo.


Maxamad axmad diri oo awowgay ahna ha u fahmina inaa la gabaytamayo ee xaqiiqaduun baan yare taabtay iyo sida dantu ku jirto iyo inaan gabaygu inala gelin meel xun iyo dhul isku qabsasho.


Waxan idhi:



  1. Gabayaa inaad caana tahay galayna taariikhda
  2. Inad gaamuraa iyo aftahan geesi tahay sheegan
  3. Gar ilaah anaa marag ku furay goor iyo alleyle
  4. Waxse gadaya maankii halkaad hadalka gaarsiisiisey
  5. Haddii uu gaf ruux yidhi adoo jooga gurigaaga
  6. Gar waxaad u leediyo haduu gooyey calafkaaga
  7. Inad golaha soo joojisaa kula gudboonayde
  8. Ma inaad na wada gaafataa geesinimadaadu
  9. Geyiga waynu leenahay dhamaan goob kastuu yahye
  10. Galgalaan ku faanaa iyo sanaag gebi ahaantiiye
  11. Gaarisiyo waxaan doonayaa godaydi dheerayde
  12. Goob aynu kala sheeganaa waa wax gaasira e
  13. Seef iyo galkeedaanu nahay aan la kal goyne
  14. Adigaa gurbood iyo na yiri gabanno sheeydaanee
  15. Adigaa guruuc sidannu nahay goofka naga saaray
  16. Ma ogtahay garaad cali dablaan kula galaayaaye
  17. Geyigana ilaa boqol awow yaan ku soo go aye
  18. Adiguna gedaasaad tahoo,kaama gaar lihine
  19. Gashanbuur, dubays iyo warlabe wow gudboonahaye
  20. Garaad yuusuf waa nala dhasheen gacalna weeyaane
  21. Awoowow ha kal goyn tolkaa cadowgu gaadaayo
  22. Awoowow gar gaar iyo ka tali godob waxaan keenin.

Dhamaad


Maxamd bashiir jaamac


Gumburi1885@yahoo.com

All Sanaag
 
 
© 2006 Webmaster Allsanaag Online powered by Horyaal Software