Dhammaanba ummadda soomaaliyeed waxan u diraynaa salaan. Bacda salaan, waxan halkan idiin ku soo gudbinaynaa gabaygan la yiraahdo GUUBAABO QARAN, kaasoo ka hadlaya xaaladda guud ee dalka. Maaddaama lagu ogaa abwaanku inuu bulshada tusaaleeyo, waxan halka kaga qisoonaynaa horay iyo gadaal wixii waddanku soo maray iyo weliba saadaal xagga mustaqbalka ku aaddan. Akhris wanaagsan.
Afeef:
Gabaygan la magac baxay GUUBAABO QARAN waa mid xambaarsan ulajeeddooyin badan, kana duulaya waqtiga haatan waddankii ku sugan yahay. Qofkii raba inuu faallo ka bixiyo ama wax naga weydiiyo, waxan jecelnahay inaanu ku degdegin oo marka hore si fiican gabayga u dhuuxo/fahmo. Mahadsanid.
Gabaygiina waa kan: W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
Oo gabow haleeloo gadhkiyo guudka ka caddaaday
Oo gooni socodoo beryahan gabay itaalkiisu
Ay gaaja kala qaartayoo gibil madoobaadey
Oo goodirkii iyo ka qaday geriga jiidhkiisa
Gawskiisa hilib uu geshaa bilo kusoo gaadhey
Hadba wuxu yar gaan-gaambiyoo gorodda laadshaaba Koluunbaa nasiibku u geshaa gaan wax weerariye
Raxan dibi ku gawdiida baa guulle kulanshaaye
Gaaddada kolkuu soo dhigtoo gooha damin waayo
Goosha iyo yaridkaa ka baqa inuu gallaaftaaye
Kolkuu goosto dhawr jeer ayuu gudub u foofaaye
Aniguna geddiisii ninkaa gaydh qabaan ahaye
Kolkii la is giguun-baan sedkay gobol cantuugaaye
Maantana gedaha muuqdabaan gebi ka faalloone
Afartaasi arartaan guntiyo gamasyadaydii dheh
Mawjado is garaaciyo baddoo gebiga soo jiidhay
Gu’ga oo kaliil soo curtiyo gumucyadiisii dheh
Wax dhaaxaan u geylamay inaan sharaftii giijaaye
Qarannimada garab joogsadoo gaadhka ka hayaaye
Gungumiyo abees wixii na ganay goodkii nagu yaacay
Gafaniyo qaniinkii na jaray garabcaddii naaxday
Goblamooyinkii Xamar dunshey guduridii leeftay
Kuwii gawracee maatadii gobolba meel aadshey
Gaala raacyadii soo bixiyo goosatiyo tuugta
Ee godanba magac u baxshee calamadow gaaftey
Giddi xabashi noo soo gashay ugu gargaareene
Gabbal baasi maantuu u dumay geyiga Soomaali
Ee calankii gaashada lahaa cadowga loo geeyey
Godkii nala ku ridey baan wallee gudhada jiifnaaye
Afartaana gees baan u dhigay oo ma gaasiro eh
Gawdhgawdhi maayee murtida maydin garansiiyey
Gunta gabayga meeshaan u wado ma u gawaan raacshey
Kud ka guur qanja u guur hadday gelinba kuu joogto
Gudcur dama adoo gudaya iyo gegi habaas weynle
Geed qodax ku saydhiyo adoon gocondhadow jeedin
Galawgiyo waraabuhu aduu kugu guraabaasay
Gurraacada maskiyo kuu ureen gocorka waabaydu
Gawdiisa fooraha aday dhiillo kugu gaaxdey
Gii’diisa aar goonlihii gebi ka yeedhayso
Gurdankii dugaagiyo adoon geedka kala saarin
Oo habas ku guul guuli iyo jalawda guumaystu
Oo aan gayoobine deyoow gees u dulugleeyey
Xiddigaha middii galac tiraad guruxa saartaaye
Gaaraa bidhaankaad iftiin gibina mooddaaye
Geddaasaa naflaydii arlada ugu guhaadoone
Dawlad garab gashiyo waa ka samir qaran golayntiise
Kolkii ay Indhacadde u godleen lays-la-garan waaye
Shuurada kolkii lagu galda’ay gole la maageeray
Ee gaysh qabiila ah la yiri qabo guddoonkeeda
Ee gaar ahaan looga dhigay lays-la-garan waaye
Agoomaha gunuusee Markiyo, Gedo ku baayaalay
Guutada intay garab marsheen gebi ma laaceene
Goortay Kismaayo u gudbeen lays-la-garan waaye
Burco gelelefkeediyo fidnada haatan gami weyday
Hiiraan wadaaddada gabbacan ee gilgilanaaya
Gaalkacayo goortay damceen lays-la-garan waaye
Afar kale gorfayn iyo talaan uga gudbaayaaye
Guubaabo mooyee arrini waa mid gaammuraha’e
Garba duubi maayee runbaa lagu guddoonshaaye
Xaajadii gurracantaa in badan laga giriifaaye
Xaqu gaabin maayee haddii diinta lagu gooyo
Geyigaan ku noollahay haddii nuurku wada gaadho
Godan waliba waa doogsanlaa guulle idankiise
Waxse gama’a ii diidayee dhiilladay geliyey
In khamiis la ii soo gashado ii gabbado tuuge
Kolkaa inay gablooshaan ka biqi la is gabraartaaye
Dhaawac goorrintaa muuqatiyo galabba reer laynta
Waxa soo gumaamadan qalbigu ila gulaallaaye
Goblamoow Zinaawiga amxaar gaadhka daba jooga
Iyo guul darraystaha la jira garab ka doonaaya
Giddigood jihaadigu hadduu gaar isugu qaysho
Talibaan geddoodii haddii guriga loo waabo
Oo tima-caddiyo geyshyo kale la isku soo gaadho
Haddii la isku galo xeradayada la isku soo giirto
Oo maatadii goommanayd gu’ iyo dayrtiisa
Lago gubo maadaafiic mar kale kuma gelaayaane
Gashi waxad ka doontaa nimaad geda taqaannaaye
Ninkii gabadin kuu rari haddaad igu gargaar weydo
Durba looma guuxee hubsaad kaga geyootaaye
Afar kale xusuus guud haddaan gobol ka soo qaato
Oo aan gondaha hoose iyo dhawro gogosheenna
Runtu inay gawaan jooga tahay gar alle sow maaha?
Dadkaygoow garaadkiinna lumay gocasho oygiina
Guuldarradiyo ceebtiyo wexeer ciilku nagu gaaxdey
Guhaaddiyo dhibkii layna baday kama gedoodaane
Waa hooyo kii guursadaa waa adeer gar-ahe
Ninkii idin gumaadaad xumaan ugu garbaysaane
Good laba afla ah iyo kolkay mici gabaarraydu
Idin goosataa baad ilmada gobo’ ka siisaane
Kolkuu gacan ku dhiigluhu ilkaha gabal idiin muujo
Sacabkow garaacdaan sidii geesi caan baxaye
Gadaalna uma dhugataan wuxuu geystey waa hore’e
Shalaytoo gabaahiiradii oonku idin gooyey
Gacma hoorsigii iyo qaxii gaaja dalandoolka
Maata gawracii gees ka gees dhiiggu gabaxleeyey
Godkay maanta taalbaa ka daran gabawarkeenniiye
Caqligaan gulaallayni waa garan karaayaaye
Anna waan gorfayn jiray murtida gole ka fuulkeede
Guntina mayo dhuuxiyo laftaan idin garwaaqsiine
Guubaabo qaran baan tirshee geliya laabtiina
Afartaana gibilkaan ku xidhay gabayga aashayda
Maansadan ga’leyda ah anaa guulle ii wacaye
Gefna lama hadlee gabayga waan soo gunaanadiye
Toban iyo lix sanay gaaxsanayd gobada maandeeqe
Gacan midiglihii dheelmiyaa weli guhaadayne
Geesna uma bed qabo oo hadday gooha oloshaaye
Gabanaday dhashiyo waa le’deen kii godli lahaaye
Gaajay u hoobteen dadkii gebi ku noolaaye
Siday u gudhay goonyaha arlada geeri loo badaye
Gasiin kale ha joogee baryaad gorofsanaysaane
Dirirkii gu’yaad iyo la waa gamashki dayreede
Gawlaha diraaceed la mood xays gabaabsiya’e
Isha gulucle soomaalidaa silic la gawdiidda
Waxay galabsadeen baad ilaah kaga gudaysaaye
Maantana gufaacooyinbaa soo gadaal noqone
Geyigaa ogoomoobey baa loo gol leeyahaye
Gadhwadeen Amxaar iyo wadaad madaxnimow gaaftey
Iyo cadow gabraartaa hodiyo goosatiyo tuuge
Garab sheegte oo qarankayagii waa gelgelintaase
Gawaan raacu yeelkiis nimaan taa ka gubanayne
Gumownaye ha noolaatadii yaa mar kale geeya! Gumownaye ha noolaatadii yaa mar kale geeya! Gumownaye ha noolaatadii yaa mar kale geeya!
W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle
Halkana waa maanso kale
Dhammaanba umadda soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan salaan baan halka uga soo gudbinaynaa. Waad la socotaan in badan oo idin ka mida, xasuuqa iyo dabar goynta lagula kacay dadka soomaaliyeed ee ku nool waddanka South Africa. Haddaba, South Afrika waa tee? Waxan halka kaga hadlayaa maansadan, inaga iyo South Afrika sidaan isku ahaan jiray beri samaadkii.
Qofkastoo soomaaliya oo damiir ku dambeeyo, waa inuu ka dagaallamo argagixisada South Afrika ka dillaacday ee lagu gumaadayo soomaalida si gaar ah.
Akhris wanaagsan waxan abwaanada soomaaliyeed ka codsanayaa inay arrintan oo Somalitalk.com qayb libaaxle ka qaadatay baraarujinteeda, inay dhexda xidhaan oo soomaalida uga digaan, gaadhsiiyaan, amaba la socodsiiyaan waxa ka dhacaya South Afrika. Mahadsanidin.