Maansadani waxay ku saabsantahay geedka layiraahdo qaadka oo ah bahal lagu ibtileeyey Inta badan ummada soomaaliyeed dhaqaalihiisuna uu galo cadowga ummada islaamka ah Waxaana curiyey Abwaan sh.mursal Siciid cali [waraabe].
Wuxuuna ku bilaabmay sidan. Ragoow qaadku waa qaad Waa qaatay kii cunay Qabri weli ma uu gelin Qiyaamana ma uu tegin Ifka qiime kuma laha Maqadariyo aadmigu Qaraabiyo walaal iyo Qoys iyo carruur iyo Mayaqaano qaar kale Waaluuna qoran yahay Qaxar iyo wareer iyo Qayliyo sawaxan iyo Qatar buu ku noolyahay Qoomamana kamuu baxo Hurdadiisu waa qaraw Qadadiyo quraacdiyo Quudka saani uma cuno Wax qalala calooshiyo Qabsinkiyo mindhicirada Qaliinkuna wax kama taro Cad qonbobay dib uma coyo Halboolaha qarsoonee Ku qotoma wadnaha iyo Inta xidid u qaybsani Dhiiga saani uma qubo Qanjidhada shaqeeyee Dheecaanka qaadiyo Feedhaha qaloocaa Qaaxuu u halis yahay Sida qaabka xoolaha Kii qaayibaayaa Qabcadiyo caleentiyo May qudhaca diirtaan Duulkii qadhaaadh jeceli May dacarta qooshtaan Qandhaday dawaysiyo Qaadiro la,aan iyo Qarashkoo u baaqdaa Dhirta qaybaheediyo Laga heli qadoontee Qorya quutayaashiyo Kuwa qaaca lagu falay Qoraxdoo dhacaysiyo Markuu qamarku daahiro Qarxis iyo jabane iyo Shaah qalalab leeyiyo Sheeko qiimi daran iyo Quuq quuq madaayaan Jidhkoodaa qalfoofoo Indhahaa qayiranoo Qawlaladaa cadaadoo Qawadbaa ku dhacaoo Miskahaa qalqala oo Macdantaa ka qubatoo Kaadidaa qulquliyoo Ilkihii qurxoonaa Qotadaa dhamaatoo Qosol wuxuu ku ruugaba Qiiraw danbaysee Qolqoladuu fadhiistiyo Halka qaadka lagu cuno Qashin kama dhamaadoo Maqubayso dhawr bari Qaadir kama cabsado oo Ma qiimeeyo diintoo Salaadoo laqiimuu Qotomaa halkiisoo Jamac uma qorshaysnoo Qub qub inuu kasiiyiyo Inuu qaadacaw furan Intee qoys ku baaba,ay Biil loo qabsadayoo Guri laga qufulayoo Qaxootiga kaliitoo Qabawgiyo kulaylaha Qaxootiga kaliitoo Ka qadhaabta suuqoo Aabihiina qaad iyo Kooke uu qudh qudhiyiyo Laan uu qaniiniyo Qaaciga dhagaystaa Arintaas qof joogoow Ma qisaa inoo dhiman Ragii hore u qabatimay Buunbaa ku qayshaye Ka hadeer u qaabane Nadalada qaniinoow Qamaadin iyo bohol iyo Qarbaad taagan tahayoo Qusur baad ku socotaa Anoo hadalka kuu qalay Qurub qurub u kala dhigay Woow qaylo kama foga Balmar uun isdaba qabo
MURSAL SICIID CALI WARAABE ( XINGALOOL ).
abuuharun@hotmail.com