16th April 2024  admin  Category :

Saamiya Suluxu Xasan ayaa maanta loo dhaariyay in ay noqotay haweeneydii ugu horeysay oo Tanzania Madaxweyne ka noqota, ka dib geeridii madaxweynihii dalkaas John Magufuli.

Gabadhan 61 sano jir ah ayaa aheyd madaxweyne ku xigeenkii dalkaas, sida u dastuurka qaba marka madaxweynaha geeriyoodo waxaa xilka qabanaysa ku xigeenkiisa.

“Anigoo ah, Saamiya Suluxu Xasan, waxaa balan qaadayaa in si daacad ah aan u ilaaliyo  dastuurka Tanzania,” ayay tiri Saamiya.

Saamiya ayaa  ku dhalataya jaziiradda Zanzibar ee badweynta India ee ka tirsan dalka Tanzania, waxayna siyaasadda ku jirtay 20 sano ee la soo dhaaday, waxay aheyd gabar udub dhexaad u ah xisbiga talada haya ee CCM, madaxweynihii geeriyooday ee John Magafuli ayaa madaxweyne ku xigeen u doortay 2015.

Bishii October, ee sanadkii hore ayaa mar kale dib loo doortay, doorasho ay hareysay wax isdabo marin iyo eedeymo kale.

Saamiya waxay noqotay madaxweynihii 6 aad ee Tanzania.

https://youtu.be/0MzF3m2DjTc

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*