28th March 2024  admin  Category :

Mar haddii aynu safaf u galayno Safiir waa maxay dawladnimada aynu haysanaa iyo Soomaalinimada aynu ku faanaynaa

Ardayda xiriirka caalamiga ahka barta Jaamacadaha waxaa loo dhigaa shuruudaha madaxbanaanida  ama afka qalaad waxa lagu yiraahdo A sovereign state. A sovereign state is a state with borders where people live, and where a government makes laws and talks to other sovereign states

Shuruuhdahaas waxaa kamid ah In dowladdu leedahay awood ay ku muquuniso dhammaan awoodda gacan ka hadalka ee dalka gudihiisa. Taas waxaa laga wadaa in dalka cid aan dowladda ahayn aysan awood ciidan iyo mid diblamaasiyadeed samayn Karin ayada oo dalka matalaysa.

Hadda dalkeena u fiirso madaxbannaanidi ciidan iyo siyaadeed halka ay marayso. AMISOM iska daa, beesha caalmka iska ilow ee kali ah fiiri itoobiyaanka iyo Kiinyaatiga waxa ay ka wadaan.

Maanta Waxaad arkaysaa sida aynu u habowsanahay Siyaasiyiintii Soomaaliyeed oo safaf dhaadheer ugu jira Safiiro, iyaga oo waxa qura ay kala hadalayaan ay tahay ” Beeshayadu sanadkii hore Bariis iyo Saliid idin kama ayna helin oo reer Hebel baad garabka siisaan.

Safiiradan socdaalka ku maraya dhamaan gobolada Soomaaliya, oo qaarkood laga yaabo inay basaasiin yihiin Wasiirkii ama wasaaraddii la socon lahayd iyaguna howlo kale oo aan loo dirsan ayeey ku mashquulsan yihiin sida mar uu dhowaan wasiirka arimaha dibadda uu ka hadlayey Doorashada oo shaqadaasi lahayd wasaaradda arimaha gudaha

Ugu danbayntii madaxda safafka ugu jirta Safiiradda shisheeye maaha wadaniyiin, waana kuwo aan garan karin ma’suuliyadda saaran iyo faraqa Darajo ee u dhaxeeya iyaga iyo safiirada, sababtoo ah dawladdu waa jaran jaro, mana jirto meel ay kaga qoran tahay in maalin walba madaxda Soomaaliyeed ay la kulmaan Safiiro.

Hoos ka daawo madaxweyne Farmaajo oo inoo sharaxaya shaqada madaxda maamul goboleedyada

Waa maalintaan

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen ) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya oo safar shaqo ku jooga magaalada ayaa Safarada Dowladda Marekanka kula kulmay Brian T.Neubert safiir ku xigeenka Marekanka u fadhiya Soomaaliya.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan Muqdishu u joogay arrimo shaqo ayaa la kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Ben Fender.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Qatar ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*