29th March 2024  admin  Category :

Qadar oo sii wada wada tashigii Beelaha HAG ee qofka noqon doona Raisul wasaaraha soo socda

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa hoyga uu ka degenyahay magaalada muqdisho ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Ambassador Hasan Bin Xamza Asad Maxamed waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira horumarinta deegaannada Hirshabelle, iyo dar dargalinta mashruuca Dhismaha wadada Jowhar iyo Muqdisho oo ay maalgalineyso Dowladda Qadar.Safiirka ayaa Madaxweynaha faah faahin ka siiyay fulinta dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo jowhar oo ay dhiseyso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga,

Safiirka Qatar waxaauu sheegay in ay ka go’antahay dar dargalinta mashruucaasi, waxaana madaxweynaha Dowladda Qadar uu kaga mahadceliyay mashaariicda ay ka wadaan dalka oo ay qeyb ka tahay mashruuca jidadka Muqdisho iyo Afgooye, iyo kan Muqdisho iyo Jowhar.Sidoo kale inta Kulanka uu socday Waxa ay si qoto dheer kaga wada hadleen fursadaha Maalgashi ee Hirshabelle kaga jira, iyadoo safiirka uu sheegay in dhowaan ay ka fulinayaan Mashaariic horumarineed ayna diyaar u yihiin in ay ka faa’ideystaan fursadaha maalgashiga ee Hirshisabelle maadaama Hirshabelle ay tahay dhul qani ah Kheyraadka dhinac kasta ah sida beeraha,Kalluunka iyo Xoollaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*