29th March 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta Ururka Hawiye Action Group, uu u  mucaaradaa in qof ka soo jeeda beesha Sade Daarood isaga oo Muqdisho ku sugan uu xilkii loo doortay uu dhamaysto si nabad a? Allah ha u naxariistee Maxamed Siyaad, RW Saacid, RW Farmaajo, Raisulwasaare Cabdi Weli iyo hadda mar kale madaxweyne Farmaajo. Dhamaantood mucaaradkoodu waa beesha Muqdisho.

Sadexdii siyaasi ee ugu danbeeyey ee xilalka ugu sareeya ka soo qabtay dalka Soomaaliya, kana soo jeeday beesha Sade Daarood, oo labo ay  soo qabteen xilalka Ra’isulwasaaraha Soomaalia iyo madaxweyne Farmaajo oo isagu soo qabtay R’aisulwasaare iyo madaxweyne uu hadda hayo, ayaa ahaa siyaasiyiinta ugu daacadsanaa , ugu qabyaalad yaraa, ugu dal jacay badnaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed,  hadana  siyaasiiinta Muqdisho  degaa a waxay u diideen  inay maalin nastaan . Waa maxay sababta ay ugu quuri la’yiiin inay xilkan qabtaan
In badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Hawiye, gaar ahaan madaxda Hawiye Action Group oo uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Culusoow waxay aaminsan yihiin in xilka ugu sareeye ee beesha Sade Daarood ka qabato dawladda Soomaaliya in  ay iyagu u dhiibteen . la’aantoodna ayna xilkan heleen sidaas awgeedna ay ku shaqeeyaan siyaasad ama Ajendaha  ay iyagu leeyihiin.
Kooxda labaad, waa koox ku shaqaysan jirtay Bare Hiiraale, iyaga oo aaminsanaa inuu u  yahay second hand tool, oo siday doonaan ka yeeli jireen , ciday doonaan ku dili jireen , degaankay doonaan ay duulaan ugu diri jireen.
Kooxdani , waa kooxda ugu qaylada badan, ugu mudaharaadka badan beelaha Hawiye, waa kooxda uu Madaxweyne Farmaajo ka nasan la’yhay , sababtoo ah waxay sugayeen inuu u shaqeey sidii Bare Hiraale, oo marna Dooni ama diyaarad  ay ku qariyeen u saari jiray Kismaayo si aan loo dhisin maamulka Jubbland.
Tusaale hadaan u soo qaadano labaddii R’aisulwasaare ee aan ka soo jeedin beesha Farmaajo xukunka waxa looga riday doorasho ay galeen , maalin laguma mudaharaadin. Halka labadii Raisulwasaare ee ka soo jeeday beesha Farmaajo xukunka looga tuuray Mooshin ay soo abaabuleen Ururka HAG, oo uu hogaamiyo Xasan Culusoow.
Ugu danabayntii labada Sano ee Farmaajo u harsan wuxuu ku dhamysanayaa banaan baxyo, qaraxyo, mayd la wado oo xafiiska loogu keeno, maatada oo lacag la siiyo oo la yiraahdo ku been abuurta. Sababtu waa Siyaasiyiinta HAG oo aaminsan inay hogaanka u dhiibteen oo sidii ay donayeen iyagu uuna ugu shaqaynayn caasimadooda Muqdisho. Dhiira gelinta mudahataadyadan ayaa sabab u ah Caassimaddii Soomaaliya oo ay  beeli gaar u yeelatay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*