29th March 2024  admin  Category :

11/15/2010]   Xildhibaanada Caasho Axmed Cabdalle oo waraysi bixisay
>Salah Donyale Receives Hero’s Welcome in Bosaso, Puntland
>Line Up for Peace: Somali Peace Day
>The Buhodleh Massacre
>Mohamed Cali Samtar,A Ring of Clasic Scapegoating
>Response to what ICG said about Las-Anod
>A review of nomad Diaries through the eyes of a Somali immigrant
By Xalima
>San Diego’s Little Mogadishi
By Yasmeen Maxamuud
>
>Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee
>
>
Kulan Maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Xildhibaano ka soo jeeda Deegaanada Puntland ayaa ku dhaliileen Siyaasada Dawlada Soomaliya iyo Hanaanka loo dhisay Golaha Wasiirada Cusub.

Xildhibaanadan oo ka tirsan Golaha Baarlamanka Soomaliya ayaa Waxay Kulankooda oo ku qotomay Dhismaha Golaha Wasiirada Cusub ee Dawlada Soomaliya ayaa Waxay ku gaarteen Go,aan ku saabsan in aysan Taageeri Doonin Golaha Wasiirada Cusub ee Dawlada Soomaliya Marka la horkeeno Baarlamanka Soomaliya.
Xildhibaan Caasho Axmed Cabdale oo gabgabadii Kulankaasi Saxaafada la hadashay ayaa in ay tahay Wax aan la qaadan karin in laga tago beel oo laga qadiyo Miisaankii cadaalada ay Dawlada ku lahaayeen Maadama Dawladu ay ku dhisan tahay Awood Qaybsi ku salaysan Beelaha Soomalia.
Xildhibaan Caasho Waxay Tilmaantay Puntland in ay Tahay Maamulka kaliya ee ku jiray Baadigoobka Qaranimadii Soomaliya, Waxayna Tilmaantay Puntland in ay tahay Garabka Midig ee Dawlada Soomaliya oo inaba aysan Dawladu ka maarmi karin.
Xildhibaanad Caasho Waxay Tilmaantay Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumada Farmaajo in ay yihiin Dhalin ka tirsan Xafiiska Axmed Tuke oo si aan Feejignaan lahayn loogu soo Qoray Xilalka loo dhiibay iyadoo aan lag fekerin in ay lumayso Kalsoonidii Shacabka iyo Maamulada Jira ee Awooda leh Madaama aan Qaybtoodii iyo misaankay ku lahaayeen DFKMG la siin,taasina ay tahay arin loogu talagalay in lagu kala qeybiyo midnimada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*