16th April 2024  admin  Category :

Mid ka mid ah nimankii Macdanta Majayahan xasuuqa ku gaystay  oo u  qaabilsanaa dhanka  sharciga maamulkii Cade Muuse . oo isaga oo sharciga si khaldan u isticmaalaya Boqolaal wiilal  oo ka soo jeeda beesha Warsangeli xabsiyada Boosaso dhigay, si uu khayraadka degaanadooda u bililiqaysyo   qaar kalena  isaga oo shisheeye adeegsanaya kusheegay inay argagixiso yihiin, ayaa caawa loo magcaabay wasiirka macdanka iyo shidaalka Puntland.

Axmed Maxamed Yusuf Taaraan oo loo magcaabay Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo biyaha ayaa xillxigii Majayahan la doonayey in macdanteeda xoog lagu qaato wuxuu ahaa Xeer ilaaliyaha gobolka Bari. Maalintii ugu yaraan Tobon qof oo ka soo jeeda beesha Warsangeli xabsi ayuu ku xukumi jiray iyaga oo waxba galabsan.  Laga yaabee maanta qaarkood inay xabsiyada Puntland ku jiraan iyaga oo aan denbi gaysan

Qof kasta oo ka soo jeeda Maakhir oo ogaa falkii foolxumada ahaa oo ciidanka Puntland loo isticmaalay     Majayahan iyo galgala  maanta fursad baad haystaa aad ku diidi karto  dagaal oogahan loo magcaabay in mar labaad bililiqaysyo  macdanta Majayahan

 

https://web.archive.org/web/20100315063125/https://www.allsanaag.com:80/Details.asp?id=5635

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*