18th April 2024  admin  Category :

 

Saxaafadda iyo Siyasiyiinta Majaeerteen ma Mujrimkii gacan ku dhiiglaha ahaa ee   Muuse Biixi ayeey maanta  Mujaahid ku sheegeen.

Maalmo ka hor,  Mujrimka gacan ku dhiiglaha ahaa Muuse Biixi, ayaa isaga oo la hadlaya Beesha Daarood waxa uu ku khudbadeeyey “taariikhadayada awoowayaashiin ayaa yaqaana  ee soo Waydiiya”.  Ma jirin taariikh uu awoowayaashiis lahaayeen  ee  la garanayo,    ee qura wxuu ka hadlayey Dumar iyo caruur ka soo jeeday beesha Daarood oo aan hubaysnayn oo  Jabhaddii SNM  uu madaxda ka ahaa ay ku xasuuqeen   gobolada Sool iyo Sanaag.

Maanta in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Beesha Majeerteen ay  isugu hambalyeeyaan in “Mujaahid” Muuse Biixi uu  guulaystay,  iyaga oo og taariikhdiisa madow iyo danbiyaddiisii  dagaal  , waa nasiib daro ku habsatan Beeshan  oo u  af duuban koox yar oo dhaqanka iyo tolnimadu ku yar tahay

Kooxdani, waa kooxda Mucaaradnimada madaxweyne Farmaajo kula saxiibay Waare iyo Xeef oo soo abaabulay shirkii lagu qabtay Kismaayo. Waa kooxda aaminsan in Sool iyo Sanaag lagu daro Somaliland,

Kooxdani,  waa kooxda  Cabdi qaybdii oo Gacan ku dhiigle ah,  dagaal ooge iyo , danbiye dagaal ka sameeyey gobolka Mudug   ku maslaxay inay u sameeyaan Maamul goboleedka Galmudug, lacagna ku bixiyaan .

Ugu danbayntii Hooyadii ay dileen jabhadihii SNM iyo USC, oo loo dilay Isirka ay ka soo jeeday oo ahaa Daarood, laguna dilay Xingalool, Xudun iyo Gaalkacayo. Kuwii dilay ma ahayn Mujaahidiin ee waxay ahaayeen mujrimiin. Wxaana ka mid ahaa Siilaanyo, Muuse Biixi, Cabdi qaybdiid iyo Galaal. Kuwa maanta magaca diinta dadka ku dilayaa maaha Mujaahidiin  waa Dadqalatooyin.

Sodon sano ka hor nimankan uu Maxamed Mooge iyo Sahro Halgan ay ka mid ahaayeen, ma ku sheegi lahayd Mujaahidiin u dagaalamyey Diinta Islaamka oo la dagaalamyey Gaalo ku noolAYD  Sool, sanaag iyo Awdal

https://youtu.be/OIIAqbypCTM

https://allsanaag.com/soomaalida-neceb-midnimada-somaliya-snm/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*